Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug waxaa Maanta lagu qabtay doorashada Kursi ka banaanaa Golaha shacabka Soomaaliya kaas oo uu ka geeriyooday Allaha U Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin.
Doorashada ayaa waxaa ku tartamay sadex Musharax kuwaas oo kala ahaa Cabdulahi Faarax wehliye oo ah Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye)
iyo Tirinta codadka markii ay soo gaba gaboowday ayaa waxaa natiijada ku dhawaaqday guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorshooyinka Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey)